← Back to Blogs
Mobile Apps

ChatGPT Atlas

Mohamed Amin January 02, 2026
1.2k Views
Share:
hirkadda OpenAI ayaa soo saartay ChatGPT Atlas, browser cusub oo ku shaqeeya garaadka macmalka ah. Atlas ma aha browser caadi ah — waa mid caqli badan oo kuu fududeynaya wax kasta inta aad internetka daalacaneyso. Atlas wuxuu si toos ah u fahmaa bogga aad ku sugan tahay, wuxuuna kuu soo bandhigayaa soo koobid, jawaabo degdeg ah, iyo talooyin ku habboon. Waxaad adeegsan kartaa ChatGPT Agent Mode oo loogu talagalay isticmaalayaasha Plus & Pro kaas oo kuu qaban karo hawlo fudud sida ururinta xog iyo fulinta amarro isku xiran. Intaa waxaa dheer, Atlas wuxuu baranayaa dabeecaddaada si uu kuu siiyo natiijooyin gaar ah (personalized). ChatGPT Atlas oo dhawaan lagu soo daro doono Windows, IOS iyo Andriod aya wuxuu u muuqdaa inuu yahay bilow cusub oo isku dara AI iyo browsers-ka internetka

Mahadsanid akhriskaaga!

Haddii uu maqaalkani ku caawiyey, fadlan la wadaag asxaabtaada.